Yaannu Nahay

Yaannu Nahay

HowToUse waa bulsho onlayn ah oo ay maamulaan shakhsiyaad aad ugu heelan kuwaas oo rumaysan in dhammaan haweenka iyaddoon loo eegin halka ay ku noolyihiin, ay helaan doorashada ilma soo ridka badbaadada ah.

about us

Waxaan Qabano

HowToUse waxay u shaqaysaa si ay u wadaagto xaqiiqooyinka iyo goobaha ku saabsan kiniinka ilma soo ridka- waxa laga fekerayo ka hor, halka laga helo kiniinka ilma soo ridka tayada leh, waxa la filayo, iyo marka la raadinayo caawimada caafimaadka haddii ay lama huraan tahay. Halkan waxaan u joognaa inaan ku qalabayno haweenka macluumaadka ay u baahanyihiin si ay si wanaagsan uga gooshaan ilma soo ridka qaabka shuruudahooda leh.

Halka aanKa Shaqayno

HowToUse waa hay’ad caalami ah- waxaan halkan u joognaa inaan siino macluumaad dumarkaiyo ilaha laga heli aduunka oo dhan. Waxaan hadda websaydkayaga loo turjumay 30 luuqadood.Ma u baahantahay luqad aanad arag ? nagala soo xidhiidh info@howtouseabortionpill.org

Afeef:

Dadaal kasta oo la sameeyo si loo hubiyo in macluumaadka ku jira bogagga websaydka waa sax. Si kastaba ha ahaatee, waxa ku jira way isbadali waqti ilaa waqti iyo qorayaasha waxay aqbali karaan masuuliyada sax ahaanshaha macluumaadka lagu soo bandhigay waqti kasta oola siiyaa.

Tixraacyo

Qorayaasha:

  • Dhammaan waxyaabaha ku jira websaydhkan waxaa qoray kooxda HowToUseAbortionPill.org iyadoo la waafajinayo heerarka iyo borotokoolka The National Abortion Federation, Ipas, the World Health Organization, DKT International and carafem.
  • The National Abortion Federation (NAF) waa ururka xirfadleyda ah ee bixiyeyaasha ilmo iska soo ridka ee Waqooyiga Ameerika, iyo hoggaamiyaha udooda ilma iskasoo ridida sharciaga ah. Mawduucyada ku saabsan HowToUseAbortionPill.org waxay la jaan qaadayaan Tilmaamaha Siyaasadda Caafimaadka 2020 ee ay soo siidaysay NAF.
  • Ipas waa hay’adda kaliya ee caalamiga ah oo si kali ah diirada saara balaarinta marin u helka ilmo iska soo ridka iyo daryeelka ka hortagga uurka. Mawduuca ku saabsan HowToUseAbortionPill.org wuxuu la jaan qaadayaa Akhbaaraadka Caafimaadka Taranka ee 2019 oo ay soo saartay Ipas.
  • The World Health Organization (WHO) waa hay’ad gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo u qaabilsan caafimaadka bulshada caalamiga ah. Waxyaabaha ku jira HowToUseAbortionPill.org waxay la jaanqaadayaan ilma iskasoo rididda nabdoon ee 2012: hagitaan farsamo iyo siyaasad nidaamyo caafimaad oo ay sii deysay WHO.
  • DKT International waa urur diiwaangashan, oo aan faa’iido doon ahayn oo la aasaasay 1989 si diirada loogu saaro awooda suuq geynta bulshada qaar ka mid ah wadamada ugu waaweyn oo leh baahiyaha ugu weyn ee qorsheynta qoyska, kahortaga HIV/AIDS iyo ilmo iskasoo ridid aamin ah.
  • carafem waa shabakad kiliinik ah oo bixisa daryeel ilmo soo ridid haboon oo xirfad leh iyo qorsheynta qoyska si dadku u xakameeyaan tirada iyo kala fogaanshaha carruurtooda.